Boqorka Thailand oo Isbitaal ka soo baxay

Lahaanshaha sawirka Getty

Boqorka Thailand Bhumibol Adulyadej oo ah boqorkii ugu muddada dheeraa adduunka ayaa isbitaal ka soo baxay ka dib 7 bilood oo uu ku jiray.

Dad badan ayaa wadooyinka u soo baxay, ayadoo boqorka 87 jirka ah oo ay la socotay boqoradda gaari looga soo qaaday magaalada Bangkog oo loo kaxeeyey qasriga boqortooyada ee ku yaalla magaalo xeebeedka Hua Hin.

Boqorka ayaa caafimaadkiisu liitay muddo sanado ah.

Dadka waddankiisa ayaa u arka nin dhexdhexaadiya saxadda siyaasadda waddanka ee lagu qaybsan yahay.

Thailand waxaa iminka xukuma milateriga oo inqilaab ku qabsaday awoodda sannadkii hore.