Xiisadda Burundi

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweyne Pierre

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunzinza, ayaa ku baaqay in la dajiyo xaaladda dalkiisa, kaddib markii la isku dayay afgambi isaga ka dhan ah.

Madaxweynaha ayaanan ku noqon shalay Burundi, kaddib markii uu shir kaga qeybgalay dalka Tanzania.

Fariin lagu soo qoray maanta baraha bulshada iyo Twitterka qaaska ah ee madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in wax walba loo sameeyay sidii nabad iyo kala dambeyn loogu soo dabaali lahaa dalka Burundi.

Waxaa soo baxaya cadaadis caalami ah, oo la doonaya in lagu soo afjaro qalalaasha dalkaasi ka taagan, gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxa ay kulmayaan gelinka dambe ee maanta si ay uga wada hadlaan dhibaatada dalkaasi ka aloosan.

Lahaanshaha sawirka

Dagaal goos goos ah ayaa waxa uu ka socdaa magaalada Bujumbura, oo u dhaxeeya ciidamada daacada u ah madaxweyne Nkurunzinza, iyo kuwa taageersan Milatariga.

Inta badan dagaalka waxa uu ka dhacay meel u dhow TV-ga qaranka iyo Raadiyaha, kaas oo ay weli gacanta ku hayaan ciidamada daacada u ah madaxweynaha.

Tv-ga ayaa hawada ka baxay, balse weli waxaa hawada kujira Raadiyaha.

Madaxweyne Nkurunzinza ayaa waxa uu xalay jiiftay dalka Tanzania, kaddib markii uu ku soo noqon waayay dalka Burundi, kaddib markii la isku dayay afgambi isaga ka dhan ah.

Balse maanta lama oga halka uu ku sugan yahay. Waloow warbixin la soo geliyay barahiisa buslahada ee qaaska ah gelinkii hore ee maanta logu sheegay in isku dayga afgambi uu ahaa 'khiyaali' waxa uuna ku dhaartay kuwa arrintaasi ka dambeeyay in ay wajahaayaan caddaaladda.

Lahaanshaha sawirka AP

Ila wareed Milatari ayaa u sheegay BBC in ciidama daacad u ah Nkurunziza, ay gacanta si buuxda ugu hayaan madaxtooyada, TV-ga qaranka iyo Raadiyaha, garoonka diyaaradaha iyo bartamaha magaadalada Bujumbura.

Waloow afhayeen u halday hoggaamiyaha afgambiga samneeyay uu sheegay in ay gacanta ku hayaan inta badan caasimada Bujumbura.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qariirada Burundi

Wadooyinka Bujumbura ayaa cidla ah saaka, mana muuqdaan calaamado la mid ah kuwii shalay ee dabaaldaga ahaa.

Dhanka kale, Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay in ay kormeerayaan xaalada dalkaasi, waxa ayna ku baaqeen daganaansho iyo in la soo afjaro rabshadaha.