Magaalo taariikhi ah oo la weeraray

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Kooxda Daacish

Wararka ka imaanaya Suuriya, ayaa sheegaya in kooxda Daacish ay weerarayaan magaalada Tadmur, oo ay ku taallo Palmyra, oo ah meelaha ay ku yaalaan waxyaabaha taariikhiga ee bariga dhexe.

Horay u socoshada Daacish ayaa keentay cabsida ku saabsan waxa ku dhici kara macbadyada iyo dhismooyinka qadiimiga ah, hadii magalada ay qabsadaan kooxdan jihaad doonka ah

Waxay burburiyeen goobahii qadiigmiga ee dalka Ciraaq, ee magaalada Palmara, oo horay ay dhaawacyo u soo gaareen xilligii uu socday dagaalkii sokeeye.