Dooni ku go'doonsan Thailand

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dooni sida tahriibayaal Rohinga ah

Boqolaal tahriibayaal u dhashay Myanmar, ayaa waxa ay ku xaniban yihiin muddo todobaad ah badda Andaman, kuwaas oo aanan heysan cuno, biyo, waana dad quustay oo cabaya kaadidooda.

Doontaas kaluumaysi ayaa siday, sedex boqol iyo konton tahriibayaal Muslimiin ah oo u dhashay qowmiyada laga tirada badan yahay ee Rohingya, ayaa loo diiday in ay soo galaan Thailand.

Dadka saaran doonta, ayaa u sheegay BBC in shaqaalihii waday doonta ay dayaceen oo ay fariisiyeen matoorka doonta.

Waxa ay sheegeen in 10-qof ay dhinteen oo laga tuuray doonta.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Badda ee ilaalada Thailand

Indonesia, Malaysia iyo Thailand ayaa waxa ay celinayeen doomaha sida dadka qaxootiga ah.

Kummanaan qof ayaa ilaa hadda la aaminsan yahay in ay ku xaniban yihiin, dooma jooga xeebaha Thailand iyo Malaysia.

Dadkaas ayaa u badan Muslimiinta u dhashay qowmiyada Rohingya, kuwaas oo aan ku laaban Karin Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaano Burma, ayaan halkaas looga aqoonsanayn in ay yihiin muwaadiniin u dhashay dalkaasi, oo si joogta ah loogu silciyo.

Image caption Qariirada Burma

Habeenkii arbacada ayaa doomo kaluumaysi ay heleen doonida, waxaana lagu soo jiiday biyaha Malaysia, kaddibna waxaa dib loogu celiyay biyaha Thailand, waxa ayna sugayaan ciidamada badda Thailand, sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC.

Dadkan tahriibayaasha ah ayaa isugu jira 50 haween ah iyo 48 caruur ah, kuwaas oo doonida siday ay ku jirta badda muddo laba bil ah, balse xaaladooda ayaa adkaatay, kaddib markii shaqaalihii waday doonta ay dayaceen doonida ayna ka tageen doonida oo aanan shaqeynaynin.

Image caption Haweenay ka tirsan dadka doonida saaran

Yeey yihiin Rohingyas.

  • Rohingya waa dad gaar ah oo ka mid ah qowmiyadda Muslimiinta oo badi ku nool Myanmar, oo sidoo kale loo yaqaan Burma.
  • Dadkaan ayaa markii hore ka farcmay ganacsato Muslimiin ah oo dalkaasi tagay in kabadan 1000 sano ka hor.
  • Waxa ay sidoo kale ku nool yihiin Bangladesh, Saudi Arabia iyo Pakistan.
  • Dalka Myanmar, si joogta ah ayaa loo soocaa, waxaana lgu qasbaa shaqo, mana laha xuquuq dhul, si aad ahna waa loo xadidaa.
  • Dalka Bangladesh na kuwa badan ayaa ku ah sabool, mana haystaan warqado aqoonsi iyo shaqo