Guddoomiye Shariif oo qarax ka badbaaday.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta ka badbaaday isku day lagu khaarajin lahaa, markii qarax loo dhigay kolonyadiisa, meel u dhow magaalada Afgooye.

Shariif Xasan oo maalmahan ku sugnaa degmada Afgooye iyo deegano kale oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose ayuu qaraxu ku qabsaday inta u dhexeysa Carbiska iyo degmada Afgooye, wuxuuna ku jeeday deegaanka Lafoole uu doonayay inuu halkaasi kula kulmo dadka deegaanka.

Afhayeenka maamulka, C/qaadir Maxamed Nadara, ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin cid qaraxa wax ku noqotay, isagoo sheegay in miino dhulka lagu aasay ay sababtay qaraxaasi.