Habka wax gadashada Britain

Britain ayaa in yar la adeegsadaa lacagta caddaanka marka wax la iibsanayo, waxayna ku tiirsan yihiin habab badan oo wax lagu kala gato oo aan lacagta caddaan ah la isticmaaleyn.

Boqolkiiba afartan iyo sideed ayaa lacag caddaan ah wax lagu kala gatay sanadkii 2014-kii, sida laga soo xigtay guddi qaabilsan qaabka wax gadashada, halka 52% aanan la isticmaalin lacag caddaan ah.

Hadaba maxaa sabab u ah in aan lacag caddaan ah wax lagu kala gadan?

Waa qaabka ugu sahlan, sida laga soo xigtay guddiga waxgadashada oo sheegay in tiro badan oo dad ah ay isticmaalaan kaarar si ay wax ugu gataan.

Marka loo fiiriyo dunida intee kale, maxay kaga duwan tahay Britian qaabka wax iibsiga?

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in sanadka soo socdo aysan qasab ku aheyn lacag caddaan ah in wax looga gato ganacsiyada, sida kuwa dharka, maqaayadaha iyo kaalimaha shidaalka.

Kororka teelfoonada mobile-ada Afrika ayaa qeyb ka qaatay in aan lacag caddaan ah wax lagu kala gadan.