Al-Shabaab oo gashay tuulooyin Kenya ka tirsan

Lahaanshaha sawirka

Wararka ka imanaya gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in saddex tuulo oo gobolkaasi ka tirsan ay weerrar ku soo qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab muddo 48 saac gudahood ah.

Weerarkan ayaa waxa uu ka dhacay tuulooyinka Yumbis iyo Haluqo ee ka tirsan deegaanka Gaarisa iyo degmada Ramu ee hoos timaada deegaanka Mandera ee u dhaw xudduuda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa deegaanadaasi waxa ay ka taageen calanka madow ee astaanta u ah, ka hor saacado inta aanay halkaasi gaarin ciidammada ammaanka ee Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya ayaa sheegay in ciidammada ammaanka ee Kenya ay dagaal kala hortageen maleeshiyada kana saareen tuulada Yumbis ee dhacda waqooyi bari magaalada Gaarisa.

Hasayeeshee dadka deegaanka oo ay BBCdu la hadashay ayaa sheegaya in deegaanka ay weli ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Mahad Cismaan Beereed, oo laga soo doorto deegaanka Jeeraa Jilaaa ee Faafi ee Gaarisa, ayaa sheegay in ay layaab tahay in Kenya oo dowlad aheyd muddo dheer ay maanta deegaano ka tirsan iska maamulanayaan maleeshiyaad.

Waxa uu ku dhaliilay dowladda Kenya in aanay wax ka qaban ammaanka deegaankaasi, isagoo sheegay in muddo saddex sano ah aanu deegaankaasi lahayn wax ciidammo ah oo ilaaliya ammaanka.

Bishii la soo dhaafay kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ay ku qaaday Jaamacadda Gaarisa waxa ay ku dishay ku dhawaad 150 qof.