Itoobiya oo maanta doorasho loo dareeray

Image caption Doorashadani ayaa noqonaysa tii ugu horreysay tan iyo geeridii Meles Zenawi.

Shacabka dalka Itoobiya ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta doorashadii ugu horreysay tan iyo markii uu geeriyooday hoggaamiyihii hore ee dalkaasi Meles Zenawi.

Ra’iisalwasaare Hailemariam Desalegn oo ah ninkii la wareegay xukunka dalkaasi kaddib geeridii Meles ayaa la filayaa in uu si weyn ugu guuleysto doorashada.

Xisbiga ra’iisalwasaare Desalegn ayaa xukunka dalkaasi soo hayay tan iyo sanadkii 1991.

Dhaqaalaha Itoobiya ayaa gaaray horumar aad u weyn, waxa uuna dalkaasi ka mid noqonaya dalka Afrika ugu kobaca badan dhanka dhaqaalaha.

Mucaaradka dalkaasi ayaa sheegaya in xisbiga haya talada dalka uu ka takhluusay dhammaan dadkii ka soo horjeeday, waxaana kooxaha xaquuqul insaanka ay sheegeen in doorashadu aysan noqon karin mid xor iyo xaq ah maadaama dalkaasi aysan ka jirin xorriyad dhanka fikirka.