150 Qabuuro oo laga helay Malesia

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption xabaalahan waxaa loo malaynayaa in ay ku aasanyihiin dad tahriibayaal ah

Booliiska dalka Maleysia ayaa sheegay in ay 150 xabaalood ka heleen dhulalka fog fog ee xadka uu dalkaasi la wadaago Thialand.

Waxaa la aaminsanyahay in ay qubuurahaasi ku jiraan maydadka muhajiriin ay wadeen mukhalasiinta dadka tahriibiya.

Masuuliyiinta dalka Malesia waxa ay sidoo kale sheegen in ay heleen tiro xerooyin ah oo muhaajiriinta aadeegsadaan.

Wararka ku saabsan qabuur wadareedyada ayaa soo abxay axaddii, balse dawalda malaysia hadda unbay shaaca ka qaaday arintaasi.

Xubin ka tirsan xisbiga mucaradka maleshiya Rasiah Sivarasa ayaa waxa uu ku eedeeyay masuuliyiinta dalkaasi in ay la shqeeyaanba kuwa dadka tahriibiya