Dhalinyara Kenyan ah oo isa soo dhiibtay

Lahaanshaha sawirka AFP

85 dhalinyara Kenyan ah oo la marin habaabiyay ayaa isku dhiibay booliska Kenya si loo cafiyo.

Sida ay sheegayaan saraakiisha wasaarada arrimaha gudaha ee dalkaasi, dhalinyaradan ayaa da’dooda waxa ay u dhaxaysaa labaatan ilaa sodon.

Dowladda ayaa sheegtay in dhalinyaradan isa soo dhiibtay ay tahay tilaaba weyn, kana caawin doonto laanta mukhaabraadka in ay helaan xog.

Cafiskan oo ay ku dhawaaqday dowladda Kenya horaantii bishii hore, ayaa waxa uu daba socdaa weerarkii ka dhacay jaamacada Gaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 147 qof.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa BBC-da u sheegay in dhalinyarada oo ay da’doodu u dhexeyso labaatan ilaa sodon jir, la filayo in ay dowladda siiyaan xog muhiim ah.

Waxaa sidoo kale la geeyay goobo dhaqan celin loogu sameeyo, si ay bulshada u dhexgalaan.

Arrintan ayaa loo arkaa guul muhiim ah oo usoo hoyatay dowladda Kenya ee la daallaa dhacaysa dagaalka ay kula jirto xooggaga xagjirka ah ee gudaha Kenya.

Dowladda ayaa lagu eedeeyay in dagaalka ka dhanka ah xooggaga mintidiinta ah ay ku dulmiso Muslimiinta Kenya.

Qaar ka mid ah dadka odaroosa ammaanka Kenya aya asheegaya in arrintaasi ay Shabaab u sahasho qorashada xubno cusub oo Kenyan ah.