Xaalada caruurta South Sudan oo laga dayrinayo

Isku duwaha arrimaha bani’aadanimada ee hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka South Sudan, Toby Lanzer, ayaa sheegaya in 250,000 oo caruur ah ay dhiman karaan bilaha soo socda hadii hay’adaha gargaarka aysan gaarin dadka gurmadka aadka ugu baahan.

Toddobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxaa dagaalo soo cusboonaaday u dhaxeeyay dowladda iyo ciidamada falaagada, kaas oo ay ku bara kaceen boqolaal kun oo qof.

Mr Lanzer ayaa u sheegay BBC in dadka ay dhibaato haysato, sababtuna ay tahay saboolnimo, dagaalo sokeeye iyo dhaqaalaha dalkaasi oo dhulka galay.

Waxa uu sheegay in hay’adaha gargaarka ay bixin doonaan caawimaad walba oo looga baahan yahay, balse amaan la heli karo oo keliya marka ay hoggaamiyayaasha dalka South Sudan ay ku dhiiradaan isu tanaasul, ayna ka hormariyaan nafsadooda tan shacabka.