Paris: Buundo laga mamnuucay qufulada jacaylka

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qufulka la xirayo ee furaha la tuurayo waxa ay ka wadaan waan is helnay wax ina kala goynkarana ma jiro

Dawladda Hoose ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska ayaa mamnuucday in Buundo magalada ku taala lagu xiro qufulada jacaylka ee lamaanaha kadib markii ay Culayskoodu bateen.

Arrinta ayaa ku bilaabatay jeceyl aan wax dhib ah wadan, balse markii dambe waxa ay isu bedeshay mid dhibaatada wadata.

Buundada Pont des Arts, darbiyadeeda birta ka sameysan waxaa buux dhaafiyay qufulo gaaraya hal milyan, culeyskooduna lagu qiyaasay ku dhawaad 50 tan.

Lamaaneyaal ka kala yimid daafaha dunida ayaa qufuladaasi ku xiray darbiga birta ka sameysan, iyaga oo kaddibna furaha ku tuura webiga Seine ee hoos mara buundada.

Caasimado badan oo dunida ku yaalla ayaa Paris kaga dayday dhaqankaas.

Maamulka caasimada Paris ayaa sheegaya in muuqalka qufulada tirada badan uu yahay mid fool xun, isla markaana khatar ah.

Sanadkii lasoo dhaafay, qeyb ka mid ah derbiga buundada ayaa dumay oo webiga ku dhacay, kaddib markii uu xamili waayay culeyska qufulada.

Laga bilaabo maalinta Isniinta ah ee soo socota, buundada Pont des Arts ayaa la xiri doonaa mudo todobaad ah, waxaana qufulada laga furi doonaa birta gidaarka, oo marka dambe lagu bedeli doono dhalo.

Arrintaasi ayaa niyad jab ku noqon doonta dalxiisayaasha, balse shacabka ku nool Paris ayaa ku farxi doona in ay dib usoo ceshadaan buundadooda.