Siilaanyo oo booqday Qaxootiga Yemen

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo ayaa maanta wuxuu ku booqday xarumaha lagu nasiyo magaalada berbera dadka qaxootiga ah ee ka soo cararay dagaalka yemen .

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka qaxootiga ah ee Soomaaliland soo gaaray aanay shicib iyo dowladuba waxba kala hareyn qaabilaadda qaxootiga jinsiyad kasta .

wuxuu kaloo madaxweynuhu ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah inay taakuleynta looga baahanyahay u fidiyaan dadkaasi sidii ay u gaari lahaayeen deeganadoodii .

Soomaaliland ayaa shalay ku dhawaaqday inay dib u fasaxday in qaxootiga somaliyeed ee ka soo qaxaya Yemen ay iman karaan berbera , iyadoo todobaadkii hore ahayd markii ay joojisay somaliland qaxootigu inay yimaadaan somaliland