Bangiyo UK ah oo baaraya lacagaha FIFA

Lahaanshaha sawirka Getty

Laba bangi oo ku yaala Britain ayaa bilaabay baritaan daakhili ah oo ay ku eegayaan bal in bangiyada loo siticmaalay in lagu kaydisado ama lagu kala wareejisto lacagaha sida musuqmaasuqa ah loo hantay ee lagu eedeynayo sarakiisha xiriirka kubadda cagata ee dunida ee FiFA.

Bangiyadaas oo kala ah Barclays iyo Standard Chartered iyo weliba bangiga kale ee HSBC ayaa waxa lagu sheegay baaritaankii ay samaysay hay'adda dambi baarita ee maraykanka ee FBI

Barclays iyo HSBC waa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan arrintan, halka bangiga standard Chartered uu sheegay in uu baarayo arrintaasi.

Dhinaca kale xubin ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa ugu baaqay ingiriiska in uu qaadaco tartanka kubadda cagta ee soo socda.

Todobaadkan waxa la xiray saraakiil ka tirsan xiriirka FIFA oo lagu eedeeyey in ay ku lug lahayeen musuqmaasuq.