Wadahadallada nabadda ee Yaman oo furmaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhowrkii maalin ee la soo dhaafay duqeynta ayaa aad u xoogeysatay

Golaha amniga ee Qaramada Midoobeey ayaa waxa uu xaqiijiyay in wadahadallada nabadda ee Yaman ay isbuuca soo socdo furmi doonaan si loo dhammeeyo dagaalka.

Saacado ka hor hadalka, mucaaradka Xuutiyiinta waxa ay sare u qaadeen weerarada ay ku qaadayaan gudaha Sacuudiga oo ah dalka hogaaminaya weerar cirka oo ayaga ka dhan ah.

Waxa ay gantaalo ku rideen magaalo ku taasha Sacuudiga, laakiin waalaga hor tagay.

Xuutiyiinta iyo isbeheysiga uu Sacuudiga hogaaminaya ayaa waxa ay sare u qaadeen weerarada ay isku hayaan, dhowaanahan.

Mucaaradka iyo dowladda Yaman oo hadda dibad jog ku ah Sacuudiga, waxa ay sheegayaan inay ka qeybgalayaan wadahadallada nabadda.

Dhinac kastaa waxa uu isku deyaayaa inuu gacmaha buuxsado oo dhul kale uu qabsado ka hor inta shirka uusan ka furmin magaalada Geneva.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki Moon ayaa labada dhinacba ka dalbaday inay si daacad nimo ku jirto u wadahadlaan aysanna shuruudo la imaanin.

Taasi ayaa la sheegayaa inay fududahay in la sameeyo, iyadoo mucaaradkja Xuutiyiinta ahna ay qaadeen weerarkii ugu weynaa ee ay ka fuliyaan xuduuda Sacuudiga inay weli awood leeyihiin kaddib laba bilood oo la duqeynaayay.

Sikastaba, markastaa dhimashada waxaa u badan shacabka, xaaladda aadanahana waxaa la tilmaamay inay aad u xuntahay oo malaayiin Yamaniyiin ahi inay aad u dhibaateysan yihiin.