Doon ku gubaneysa dekedda Boosaaso

Lahaanshaha sawirka Puntland Government
Image caption Dekedda magaalada Boosaaso ayey doon ku gubaneysaa

Doon ay saaran yihiin xoolo badan ayaa lagu soo waramayaa in weli ay ku gubanayso dekadda Magaalada Boosaaso ee gobalka Bari meel aad ugu dhaw.

Doonidaan ayaa la sheegay in si lama filaan ah uu dab xoogan uga kacay, waxaana saaran Xoolo isugu jira Lo iyo Ari.

Waxaa soconayo gurmadka lagu doonayo in xoolahaan lagu soo badbaadiyo, iyadoo halkaasi loo diray doonyo yar yar oo xoolaha lagu soo qaado, halka qaarkood ay badda ku daateen, sida ay inoo sheegayaan dad halkaasi ka dhaw.