Jeb Bush oo shaaciyay musharaxnimadiisa

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Jeb Bush ayaa shaaciyay in uu u sharaxanyahay doorashada madaxtinimada Mareykanka.

Barasaabkii hore ee gobolka Mareykanka ku yaalla ee Florida, Jeb Bush, ayaa shaaciyay in uu doonayo u tartamida madaxtinimada dalkiisa, isaga oo u sharaxan xisbiga jamhuuriga.

Isu soo bax ka dhacay magaalada Miami, ayuu Jeb Bush – oo aabihii iyo walaalkiiba ay Mareykanka u taliyeen – wacad ku maray in uu hagaajin doono dalka, oo uu sheegay in uu ku socdo wado aad u xun.

Jeb Bush ayaa dhaliilay waxa uu ugu yeeray siyaasiyiinta caruurta ah ee Washington, isagoo sheegay in madaxweynaha xiga ay tahay in uu u isu diyaariyo bedelidda gebi ahaanba dhaqanka siyaasadeed ee ka jira caasimada.

Waxa uu ballanqaaday in uu khibradiisa maamul u adeegsan doono sidii uu Mareykanka uga dhigi lahaa awood dhaqaale oo aad u xooggan.

Jeb Bush ayaa noqonaya musharixii 11-aad ee doonaya in uu ku tartamo xisbiga jamhuuriga, waxaana aragtida dadweynaha ay muujineysaa in aanu jirin musharax ugu cadcad kow iyo tobonkaasi.