Kenya oo dooneysa nin Germal ah

Booliska Kenya ayaa ku yaboohay abaalmarin boqol kun oo doolar ah, xarigga nin Germal ah oo lagu eedeeyay inuu ka qeybgalay weerar ay fuliyeen kooxda Alshabaab.

Andreas Martin Muller ayaa lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa dableydii weererka ka geysatay saldhig militerigu ku leeyahay gobalka Lamu axadii.

11 ka mid ah xagjiriinta iyo labo askarta Kenya ayaa ku dhintay weerarkaasi. Thomas Evans oo u dhashay UK ayaa sidoo kale ka qeybgalay weerarkaas oo lagu dilay.