Madax shirkado oo dibadda jiifsaday

In ka badan labo boqol madaxda shirkadaha ugu sareeya Koonfur Afrika, oo ku noolaa nolol raaxo ah, ayaa ku qaatay habeen hurdo ah wadooyinka Johannesburg.

Waxa loogu yeeray dibad jiifsiga ayaa lagu qabtay meel dhow suuqa sarifka ee magaalada, si loogu aruuriyo lacag carruurta saboolka ah iyo in wacyigelin loo sameeyo guryo la'aanta.

Fuliyaha guud ee shirkadda Lonmin ee macdanta, Ben Magara, ayaa sheegay in qeybaha gaarka ee ganacsiga, ay kaalintooda ka qaataan baabi'inta faqriga baahsan ee koonfur Afrika.