Dhinacyada dalka Mali oo heshiiyay

Lahaanshaha sawirka

Heshiis nabadeed ayaa lagu saxiixay dalka Mali.

Waxaa looga gol leehay in lagu soo afjaro colaad tobanaan sano u dhaxaysay dawladda iyo falaagada qabaa'ilka Tuareg.

Dawladda Mali ayaa falaagada Tuareg u ogolaatay awoodo dheeraad ah oo maamul gobleed .

Dawladda waxay ka noqotay amarkii xariga ahaa ee ay u jartay hogaamiyeyaal ka tirsan falaagada.

Waxaa jiray kooxo kale oo bishii hore saxiixay heshiiska.

Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxa uuna ugu baaqay dhinacyada ishaya in ay ka soo baxaan waajibaadka saaran.

Waxa ay dawlada si gaar ah uga dalbadeen in ay hormuud ka noqoto dadaalada dib uheshiisiinta.

Ciidama caalmi ah oo ku sugan dalka Mali ayaa wali la daala dhacayaa xakamaynta kooxa jihaad doonka ah iyo kooxo hubaysan oo ka howlgala waqooyiga Mali.