Al-shabaab oo weerartay degmada Afgooye

Image caption Al-shabaab waxay sare u qaaday weerarada xilliga bisha Ramadaanka

Ururka Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dileen 15 kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya, kaddib weerar ka dhacay magaalada Afgooye.

Xubno ka mid ah dowladda ayaa kuwarramaya in kooxda ay weerarka hore ku qaadeen barkoontorool oo booliska ku leeyihiin meel u dhow buundada Afgooye.

Waxaa meeshaasi ku dhintay seddax askeri, waxayna ka qaateen gawaari, oo mid ka mid ah uu qori dusha uga xiran yahay.

Kaddibna waxay qaadeen weerar gaadmo ah oo tiro kaloo askar ah ay ku dileen.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay sare u qaadayaan weerarada ay fulinayaan inat lagu jiro bisha ramadaanka.