Faransiiska oo ka carooday basaasidda Maraykanka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Wikileaks ayaa horey u sheegtay in hogaamiyaha Jarmalka la basaasay oo la dhageystay telefoonkeeda

Madaxweynaha Faransiiska ayaa shir u qabanaya galahiisa difaaca si ay uga hadlaan wararka sheegaya in Maraykanku basaasay madaxda Faransiiska.

Wikileaks ayaa daabacaday dikumiintiyo ay ku sheegtay in laamaha amniga ee Mareykanka ay jaajuuseen madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, iyo labadii madaxweyne ee asiga ka horeysay ee (Nicolas Sarkozy and Jacques Chirac).

Waxa ay bartan baahisa siraha la soo dusiyay ay sheegeysaa in arrintaasi ay dhacday intii u dhexeysay 2006 illaa 2012kii.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ma aysan xaqiijinin sax ahaanshaha dikumiintiyada.

Weriyaha BBC-da ee Washington, waxa uu sheegayaa in waxyaabihii horey ay Wikileaks u soo bandhigtay ee ku saabsanaa dalalka Jarmalka, Brazil, iyo Mexico, ay ahaayeen kuwa lagu qanci karay.

Mid ka mid ah arrimaha dhowaanahan la shaaciyay waxa ay muujineysaa madaxweyne Hollande oo meel mariyay shirar sir ah oo ku saabsan saameynta ay yeelan karto kabixidda Yurub ee dalka Giriiga, horraantii 2012kii.