120 ku dhimatay magaalada Kobane

Wararka ka imaanaya waqooyiga Syria ayaa sheegaya in la dilay tiro ka badan 120 rayid ah, markii kooxda Daacish ay galeen magaalada Kobane.

Daacish ayaa weerar kedis ah ku qaaday maanta iyadoo dagaalka uu socdo sida ay sheegeen koox xuquuqda aadanaha oo Syrian ah oo fadhigeedu yahay Britain.

Kooxaha xagjriinta ayaa qabsaday la haystayaal, waxaana ku hareereysan dagaalamayaasha Kurdiyiinta dhowr deegaan.

War laga helay magaalada ayaa sheegaya in la dilay tiro afartan oo dagaalamayaasha Daacish ah, iyadoo meydadkoodana ay wadooyinka yaaleen.