RW Giriigga oo ka codsaday in la taageero qorshihiisa

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Ra'iisul Wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras.

Isagoo ka hadlayay Taleefishinka ayaa waxa uu sheegay in haddii dadka Giriigga ay MAYA u codeeyaan aftida la qabanayo maalinta Axadda ah ay ka caawin doonto in uu ka xaajoodo hab salka loogu dhigi karo dhibaatada deynta dibadda looga leeyahay ee dalkaasi.

Kumannaan taageerayaasha dowladda ah ayaa waxa ay isugu soo urureen bannaanka hore ee dhismaha baarlamaanka ee magaalada Athens, goor sii horreysayna wasiirka maaliyadda ee Jarmalka ayaa ku dhaleeceeyay dowladda Giriigga qabashada afti ku aadan in ay aqbasho qorshayaasha ay u soo bandhigeen wadammada amaahda siiyay Giriigga.

Isagoo la hadlayay taleefishin laga leeyahay Jarmalka, Wolfgang Schaeuble, ayaa waxa uu sheegay in aanay jirin wax loo codeeyaba, waxa uuna intaa ku daray in dowladda Giriigga ay burburisay dhammaan kalsoonidii, hab dhaqankeedana aan loo qiil dayi karin

Ra'iisul Wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, ayaa sheegay in xukuumadiisa ay tixgelin doono natiijada ka soo baxda aftida loo qaadayo dhibaatada deynta ee Giriigga, hase yeeshee haddii cod bixiyeyaashu ay gaashaanka ku dhuftaan qorshayaashiisa uusan sii joogi doonin xafiiska, uusanna dusha ka sii eegi doonin talaabooyin gunti giijis ah oo dheeraad ah.