Xooggaga Shabaab oo weeraray Kismaayo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xooggaga Shabaab oo dhoolatus sameynaya.

Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday ciidammo ka tirsan maamulka kumeel gaarka ah ee Juba, kuwaas oo ku sugnaa kulliyadii Akademiyada, oo ku taalla duleedka Kismaayo.

Afhayeenka maamulka kumeel gaarka Juba, Cabdinasir Seeraar, ayaa BBC u xaqiijiyay in weerarka uu dhacay, isaga oo sheegay in 5 askari ay kaga dhinteen, 3 kalena looga dhaawacay.

Weerarka ayaa lagu soo warramayaa in uu mudo sacado ah socday.

Al-Shabaab ayaan weerarka ka hadlin xilliga aan daabacnay warkan.

Dagaalyahannada Shabaab ayaa tan iyo markii uu bilowday Ramadhaanka, waxa ay kordhiyeen weerarrada ay ku hayaan ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.