Colaadda Burundi oo markale soo laba kaclaysay

Image caption Dhibaatada Burundi oo markale soo laba kaclaysay

Afhayeenka booliska Burundi ayaa BBCda u sheegay in isku dhacyo dhexmaray ciidammada booliska iyo dad rayid ah lagu dilay 6 qof, caasimadda dalkaasi.

Degannaansho la’aan ayaa ka taagneyd Burundi tan iyo bishii Apriil, markaasi oo madaxweyne Pierre Nkurunziza, uu ku dhawaaqay in uu xafiiska mar sadeexaad u tartami doono.

Kooxaha mucaaradka ayaa arrintan ku tilmaamay mid sharci darra ah.

Waa markii ugu horreysay oo dhowr qof oo goobjoogayaal ah ay sheegeen in dad rayid ah oo hubeysan ay la dagaalameen booliska.

Haddii ay arrintan dhab tahay, waa walwal ku soo kordhay dhibaatada ay dadka qaar rumeysan yihiin in ay horseedi karto dagaal sokeeye.

Ilaa iyo haatan, inta badan qalalaasaha waxaa loo tiiriyay in ay sababeen xoogga ay booliska ku kala eryeen dad si nabdoon u mudaharaadayay oo ka soo horjeeday iskudeyga madaxweynaha uu markale ugu tartamayo xafiiska.

Arbacadii, ugu yaraan askari boolis ah ayaa dhintay laba kala waa ay dhaawacmeen.

Booliska ayaa sheegay in ay dileen 5 qof oo rayid ah oo hubeysan.

Iskudhacyada wadooyinka ayaa socday inta badan shalay, iyadoo dadkuna iyagoo cabsanaya ay isku qarinayeen guryahooda.

Burundi ayaa muddo laba todobaad ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha, bulshada caalamkana waxa ay ugu baaqeen xukuumadda in ay dib u dhigto codbixinta, hasayeeshee mas’uuliyiinta ayaa ku adkeysanaya in dalkuu uu ku jiro xasilooni ku filan oo doorasho lagu qaban karo.

Ugu yaraan 70 qof ayaa dalkaasi ku dhimatay tan iyo markaa, halka 127 kun oo qof ayaa waxa ay ka barakaceen qalalaasaha dalkaasi ka taagan.