Boko Xaraam oo ilaa 150 qof ku dishay Nigeria

Lahaanshaha sawirka AP

Goobjoogayaal ka baxsanaya deegaan udhaw harada Lake Chad ayaa sheegay in tobaneeyo maleeshiyaad ah ay soo weerareen saddex tuulo halkaasi oo ay ku dileen rag, haween iyo carruur.

Wararka qaar ayaa tilmaamaya sida kooxdan jihaad doonka ahi ay dhibanayaasha qaar qoorta uga jareen, guryana ay dab u qabadsiiyeen.

Dad ku tukanayay salaadda maqribka koonfurta fog ee ka baxsan magaalada Monguno ayaa waxaa u yimid koox ka tirsan Boko Xaraam oo hubeysan.

Maleeshiyada ayaa sugtay inta ay dadkaasi cibaadada ka dhameysanayaan kaddibna waxa ay kala saareen raggii iyo haweenkii kahor inta aanay xabad ku furin koox rag ah.

Siyaasiga matala deegaankaasi, Mohammed Tahir Monguno, ayaa sheegay in uu mar hore uga digay milateriga Nigeria in tuulooyinkaasi ay dayacan yihiin, xilli kooxda Boko Xaraam ay halkaasi ka sameysatay saldhigyo kaddib markii laga soo saaray magaalooyin iyo halkii ay ku xooganaayeen ee keynta Sambisa.

Waa weerraradii ugu xumaa ee ay gaysato kooxda Boko Xaraam muddo todobaadya ah.

Kooxda ayaa gaysatay qaraxyo isdaba joog ah tan markii awoodoodii lagu wiiqay weerraro milateri.

Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa sheegay in mudnaantiisa ugu weyn ay tahay wanaajinta iyo isku dubaridka dadaalada gobolka ee la doonayo in lagaga guulaysto Boko Xaraam.