Xus loo sameynayo dadkii lagu laayay Tuuniisiya

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dalxiisayaal ajaanib ah oo isaga baxaya dalka Tuuniisiya kaddib weerrarkii ay dadka badan ku dhinteen.

Guud ahaan dalka Tuuniisiya waxaa maanta duhurkii ka dhici doonta daqiiqad aamusnaan ah oo lagu xusayo dadkii todobaad ka hor lagu dilay weerrarkii ka dhacay magaalada lagu raaxaysto ee Sousse.

Ubaxyo ayaa weli yaalla xeebta, halkaasoo dad badan oo nasiino qaadanayey toogasho lagu dilay.

Xaflad gaar ah ayaa halkan ka dhici doonta maanta galinka dambe oo ay ka qayb gali doonaan martisharaf iyo dalxiisayaal British ah qaarkood oo sii joogay, marka laga yimaado wixii dhacay usbuuc ka hor.

Maydad kale oo dheeraad ah oo ah dadkii la dilay ayaa maanta loo duulin doonaa Britain, ayadoo lagu qaadi doono dayaarad ay leeyihiin ciidanka cirka ee Ingiriiska.

Duullimaadka ugu dambeeya ayaa la filayaa berri.

38 qof oo dalxiisayaal ajaanib ah ayaa halkaasi lagu dilay; oo 30 ka mid ah ay u dhasheen dalka Britain.

Kooxda xagjirka ah ee Dowladda Islaamiga ah ayaa sheegtay in ay ka dambeysay weerrarku uu gaystay 23-jir arday ahaa kaasi oo markii dambe ay toogteen booliska Tuuniisiya.

Maamulayaasha Tunisia waxay sheegeen 8 qof oo toos xiriir ula leh ninkii dablayda ahaa, Seiffedine Rezgui, inay iminka ku jiraan gacanta Booliska, waxayna sheegeen in shabakaddii Rezgui la kala daadiyey, waxaase la aaminsan yahay in tiro badan oo islaamiyiin xagjir ah ay waddanka joogaan, sannadkii horena kooxda mintidiinta ee IS ayaa ka digay inay qorshaynayaan inay soo galaan.

Inkastoo amniga aad loo adkeeyey, sida tusaale ahaan ciidamo hubaysan oo la dhigay hoteellada, ayaa haddana waxaa weli nugul dalxiisayaasha ajaanibta ah ee xeebta jiifa.