Giriiga oo isu diyaariyay aftida Axada

Lahaanshaha sawirka epa
Image caption Giriiga maalinta axada ah ayay afti ka dhacaysaa

Dad aad u tiro badan ayaa xalay isugu soo baxay fagaaraha Syntagma ee bartamaha Athens, iyaga oo halkaa kusoo gebagabeeyay todobaad aan caadi ahayn.

Dadkaasi ayaa u sacba tumayay ra'iisul wasaare Alexis Tsipras, oo khudbad ujeediyay, una sheegay in aftida Axada berri ah, lagu go'aaminayo sumcada shacabka Giriiga.

Ra'iisul wasaaraha ayaa dadka fagaaraha isugu soo baxay u sheegay, in haddii ay MAYA u codeeyaan, ay taasi u sahli doonto in uu gorgortan wanaagsan la galo dalalka kale ee ka tirsan dallada Eurozone-ka.

Balse meel aan ka fogeyn goobta uu Tsipras ka khudbaynayay, ayaa waxaa isugu soo baxay dad u ololeynaya in loo codeeyo HAA. Waxaana ay ku qeylinayeen Giriig, Yurub, Dimuqraadiyad.

Garabkan ayaa ku doodaya in mustaqbalka Giriiga ee dallada Eurozone-ka uu gebi ka laalaado, uuna dalkaasi waayi doono xubinnimada Midowga Yurub haddii aftida Axada ay shacabkiisa Maya u codeeyaan.

Balse xaqiiqada ayaa ah in cid kasta oo ku guuleysata aftida Axada dhici doonta, ay sugayaan wadahadalo madax xanuun badan wata.

Dhaqaalaha Giriiga ayaa meel xun maraya, mana cadda in todobaadka soo socda ay dib u furmi doonaan bangiyada dalkaasi.