Gabdhaha US oo ku guuleystay koobka adduunka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Gabdhaha Mareykanka oo koobka qaadaya

Mareykanka ayaa ku guuleystay koobka kubadda cagta adduunka ee haweenka, isaga oo 5-2 kaga badiyay Japan.

Ciyaarta finaalka ah oo ka dhacday magaalada Vancouver, ayaa gabdhaha Mareykanka waxa ay 4 gool oo degdeg ah ku dhaliyeen 15-kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta.

Carli Lloyd oo u dheesha Mareykanka ayaa dhalisay saddex gool oo ka mid ah shanta gool, waxaana ay ku guuleysatay ciyaartoyda ugu wanaagsan tartanka, iyadoo lagu abaalmariyay kabo dahab ah.

Waa markii saddexaad ee uu Mareykanka qaadayo koobka kubadda cagta adduunka ee haweenka.

Mas’uuliyiin ka tirsanaa ururka FIFA oo garoonka ku sugnaa, ayaa waxaa ku oriyay qaar ka mid ah daawadayaasha.