Qaraxyo ka dhacay Nigeria

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaraxyo ka dhacay Nigeria

Laba qarax ayaa waxa ay ka dhaceen bartamaha magaalada Jos, habeenimadii Axada waxaana ku dhintay ugu yaraan 44-qof, iyadoo tira intaa la’egna ay ku dhaawacmaan, waxana la sheegayaa in dadka dhaawaca ah ay ku sugan yihiin xaalad aad u liidata.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa dalkaasi Nigeria, ka dhacyaya weeraro tira badan, waxaana lagu eedeyay in ay ka dambeeyeen kooxda Boko Xaraam.

In ka badan 200-qof ayaa la dilay isbuucii la soo dhaafay.

Qaraxa ugu horeeyay ee ka dhaca bartamaha magaalada Jos ayaa waxa lala eegtay maqaayad laga cunteeyo.

Bam ayaa la dhigay maqaayada iyada oo xilligaa ku sugnaayeen kmacaamiil tira badan.

Daqiiqada kaddibna waxaa la bartilmaameedsaday masaajid.

Halkaasi ayaa waxa ku sugnaa dad badan oo dhageysanayay wacdi, maadaama ay tahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Markii hore waxaa rasaas ay ka dhaceen goobtii ay dadka isugu soo xoomeen oo aheyd banaanka masaajidka, kaddibna waxaa dhacay qarax is miidaamin ah.

Waxaa suura gal ah in weeerarkaasi loola dan lahaa, sheekh Muslim ah oo si aad ah uga hadlo kooxda Boko Xaraam oo ku sugnaa halka ay maxaadarada ka socday.

Saacado sii horeeyay ayaa magaalada Potiskum ee waqooyi bari Nigeria, waxaa sidoo kale ka dhacay meel kaniisad ah weerar ismiidaamin ah, waxaana ku dhintay 6-qof

Magaalada Maiduguri ayaa Iyana la weeraray dabayaaqadii toddobaadkan, iyadoo kooxda Boko Xaraam ay isku dayayeen in ay galaan magaalada.

Qalalaasaha ka taagan dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 200-qof isbuucan gudahiisa, waana tii ugu xumeyd ee dhacda tan iyo markii Muhammadu Buhari loo dhaariyay jagada madaxweyne bishii May.