Bangiyada Giriigga oo sii xirnaan doono

Greece Lahaanshaha sawirka
Image caption Waxaa jirta cabsi ah in lacagta ay ka sii dhamanaanayso bangiyada Greece

Mas'uuliyiinta Giriigga ayaa sheegay in baananakoodu xirnaan doonaan inta ka dhiman usbuuca.

Waxaa weli dalkaasi ka sii jiri doono xudduuddii loo gooyey dadka doonaya inay lacagaha la baxaan, taas oo ahayd inaysan ka badnaan 60 Euro maalintii.

Talaabadaas ayaa ka dambaysay go'aan uu baanka dhexe ee Yurub ku gaaray inuu faraha kaga qaado taageeradii uu siin jiray baananka giriigga heerka ay hadda taagan tahay, oo la sugo in xal laga gaaro xiisadda daynta ee giriigga.

Giriiggana dhankiisa wuxuu si rasmi ah u gudbiyey qorshe 3 sano ah oo lagu samatabixinayo dhaqaalihiisa, kaas oo uu ka doonayo sanduuqa gargaarka degdegga ah ee Eurozone.

Tallaabadaas ayaa ah codsigii ugu horreeyey ee giriigu u qaaday dhanka qaan-bixin cusub oo Athens ay hesho.