Jilaa caan ah oo dhintay

Cumar Shariif oo ahaa jilaa caan ah ayaa dhintay.

Waxa uu jiray 83-sano. Shariif ayaa ku dhashay dalka Masar, waxa uu ka jilay dalkiisa 25 filim, ka hor inta uusan ka mid noqon filimkii heerka aadka u wanaagsan ka gaaray Hollywood-ka ee "Lawrence of Arabia" kaas oo ka dhigay in uu noqdo, jilaa caalami ah.

Filimada kale ee uu dhigay waxaa ka mid ah "Funny Girl" Genghis Khan, iyo Che Guevara.

Cumar Shariif ayaa la sheegay in waa hore ay arji guur ah u soo qorteen 25,000 oo gabdhood, muddo bil gudaheed ah.

Balse marar badan waxa uu sheegay in jaceylkiisa koowaad uu yahay in uu ka tillaabo buundada, uuna ula jeeday in uu sameeyo horumar.

Waxa uu lahaa shirkada tartanka fardaha ee dalka Faransiiska, waxaana la sheegay in mar uu galay khamaar baahsan.

Waxa uu ahaa nin caan ah oo jilayaasha kale ay u arki jireen nin kalgaceyl xambaarsan oo waxa ay ula baxeen "Cairo Fred".