Suuqa Wesgate oo dib loo furayo

Lahaanshaha sawirka Reuters

Xaruntii ganacsiga Westgate, ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa la filayaa in la dib loo furo dabayaaqada isbuuca dambe, waxaa laga joogaa laba sanno kaddib markii suuqaasi ay galeen kooxda Al-shabaab oo dad badan ay ku laayeen.

67-qof ayaa la dilay, kddib markii afar nin oo Al-Shabaab ka tirsan ay qabsadeen suuqa WestGate bishii September ee sanadkii 2013.

Ganacsigii ka socday bannaanka suuqaasi ayaa dib u soo laabanaya, waxa ayna filayaan in suuqa caadigiisii uu ku soo noqdo, kaddib markii halkaasi ay ka dhaceen falal aragagax leh laba sanno ka hor.

Afar maalin ayay rag hubeysan oo Al-Shabaab ah ku jireen guddaha suuqa.

Waxaa markii dambe guddaha xarunta u galay ciidamada qaaska ah, iyaga oo isticmaalaya waxyaabaha qarxa, kaa oo sababay in dabaqyada suuqa ay qaarkood burburaan, ka hor inta aan la soo afjarin howlgalkaasi.

Mana jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay weerarkaasi.

Dadka suuqa iska leh dib u habeyn keliya kuma sameyn dhismaha burburay, balse hadda

Waa in ay sidoo kale fiiriyaan macaamiisha, si looga taxadaro badqabka dadka.

Kenyaanka ayaa ku kala qeybsan fikirkan ah in xarunta WestGate dib loo furo ama laga dhigo goob lagu xuso dadkii ku naf waayay.