Qarax loo dhigay dad ciida u adeeganaayay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaraxa ayaa dhacay xilli dadka ay aad ugu mashquulsanaayeen wax iibsi

Goob joogayaasha laba qarax oo ka dhacay waqooyiga Nigeria ayaa waxa ay sheegeen in dhimasho laga argagaxo ay ka dhacday magaalada Gombe kaddib qaraxa.

Waxa ay sheegeen in dadka dhitay ay u dildilaaceen sida taayerka gaariga oo qarxay si la mid ah, jirka aadanaha oo googo’ayna uu ku daatay hareeraha jidadka.

Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi oo khamiistii lala eegtay Suuq ay ka adeeganayeen dad ciida u diyaargaroowaayay, waxaana lagu eedeeyay Boko Xaraam.

Qaraxa koobaad waxa uu ka dhacay suuq kabadaha lagu iibiyo oo aad u buuxay, waxaana xigay kan labaad oo dhacay daqiiqado un kaddib.

Mid ka mid ah xubnaha samata bixinta ayaa waxa uu sheegay in dadka dhintay badankooda ay ahaayeen dumar iyo caruur.

Bishii February, dabley ka tirsan Boko xaraam ayaa muddo saacado ah rasaas ku ridayay jidadka magaalada gombe.