Dagaalka Gedo iyo Bakool

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Amisom

Mid ka mid ah odayaasha deegaanka gobolka Bakool ayaa BBC u sheegay in ciidamada Amisom ay dileen dad rayid ah.

Ciidamada Amisom, ayaa toddobaadkan bilaabay weerar ay uga bixinayaan Alshabaab deegaanada ay ka haystaan gobalada Bakool iyo Gedo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, Colonel Cabdiraxman Maxamed Cisman, wuxuu BBC u sheegay in kabadan soddon Alshabaab la dilay. Lakiin si madax banaan looma xaqiijin karo. Dagaalka ayaa barakiciyay dad badan oo rayad ah.