USA oo dhaliishay dib u doorashada Nkurunziza

Image caption John Kerry ayaa dhaliilay dib u doorashada madaxweynaha Burundi.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay in dib u doorashada madaxweyne Pierre Nkurunziza ay jebisay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee Burundi.

Waxa uu ugu baaqay xukuumadda Bujumbura in ay dib u hanato kalsoonida shacabkeeda iyo tan beesha caalamka.

Hogaamiyaha ugu caansan mucaaradka Burundi, Agathon Rwasa, ayaa ku tilmaamay najiitada doorashadii todobaadkan la qabtay, mid aan la aqbali karin.

Inkasta oo uu doorashadaasi qaadacay, ayaa haddana magaciisa uu ku qornaa warqadaha codbixinta, waxaana uu helay ku dhawaad boqolkiiba 19 codadkii la dhiibtay.

Kaddib markii bishii April uu madaxweyne Nkurunziza shaaciyay in uu mar saddexaad jagada madaxtinimada u tartamayo, ayaa waxaa Burundi ka dhacay rabshado iyo afgembi dhicisoobay.

Madaxda gobolka iyo kuwa caalamka ayaa horay u sheegay in xaaladda Burundi aanay saamaxeyn in la qabto doorasho xor ah.

Hay'adda caafimaadka ee MSF ayaa sheegtay in dad gaaraya kun qof ay maalin waliba ka qaxayaan Burundi, iyaga oo miciin bidaya dalka deriska la ah ee Tanzania.

Ugu yaraan 70 qof ayaa ku dhimatay dalkaasi Burundi tan iyo markii ay bilowdeen rabshadaha.