Toos ula soco: Uhuru iyo Obama oo shir u socda

Image caption Obama ayaa gaaray Aqalka madaxtooyada ee Kenya oo waxaa uu la shirayaa Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Obama iyo dhiggiisa Kenyatta ayaa ku shiraya aqalka madaxtooyada ee dalka Kenya.

Waxaa la filayaa inay saxaafadda la hadlaan:

1620 (SGA): Madaxweyne Obama ayaa haatan ku sugan Aqalka madaxtooyada ee Kenya.

15:05 (SGA): dhagaystahan kale oo facebook aragtidiisa ku soo dhiibtay waxa uu yiri magacaygu waa Abdulkadir Ak, Obama wan soo dhawaynaynaa haduu wax wanaagsan ku soo kordhinayo gobalka.

Image caption Weriyayaasha ayaa haatan ku sugan Aqalka Madaxtooyada ee Kenya oo sugaya shir saxaafadeedka labada madaxweyne.
Image caption Dadweyne ayaa ku soo xoomay goobaha la filayay inuu Obama booqdo magaalada Nairobi

14:48 (SGA) Akhyaarta hawada naga xiriirtaay waxaad araadiina ku soo dhiiban kartaan faceeboganaga

14:45 (SGA) Waxaa bilawday shirkii madaxwaynaha Kenya iyo madaxwaynaha Maraykanka

14:44 (SGA) Obama booqashada Kenya kaddib waxuu sii mari doonaa Addis Ababa

14:42 (SGA): aqalka madaxtooyada waxaa ka socda diyaargarawga kulanka madaxwaynayaasha

14:35 (SGA): Obama markii uu gaaray aqalka madaxtooyada ee Kenya, 21 madfac ayaa loo riday. Axmed Xaaji Xasan oo ku sugan aqalka madaxtooyada ayaa soo geliyay muuqaalkan.