"Geerida" hoggaamiyaha Taliban oo la baaraya

Image caption Sawirro dhif ah ayaa laga helay Mullah Cumar, oo inta badan aan aad loo arki jirin.

Dowladda Afghanistan ayaa sheegaysa in hoggamiayaha kooxda Afghanistan ee Taliban, Mullah Maxamad cumar, uuu geeriyoday.

Kooxda Taliban weli kama hadlin arrintaasi.

Hoogamiayahan oo aan aad lo arki Karin ayay dowladda sheegeysaa inuu geeriyooday "labo ila seddex sano" ka hor.

Afhayeenka kooxda Taliban oo ay la xirirtay BBC-da ayaa sheegay in kooxda aya warmurtiyeed ka soo sari doonta arrintaasi.

Waxaa horey u jiray warar sheegayay inuu dhimashada Mullah cumar, balse tani ayaa ah warkii ugu horreyay ee ka soo baxa dowladda Afghanistan.

Mullah omar ayaa hoogaminayay Taliban xilli dagaalkii sokeeye ee dalkaasi, iyadoo Talibanku ka guuleysteen kooxihii kala duwanaa ee awoodda ku loollamaysay.

Markii dambe waxaa uu isbahaysi la galay hoggamiyaha Al-Qaciddah ee Usma Bin Ladin, taas oo ku qasabtay in Maraykanka ay dulaan ku qaadaan dalka Afghanistan sanadki 2011-ka kadiib weerarki 9/11 ee New York iyo Washington.

Wixii xilligaasi ka dembeyay Mullah Cumar ayaa dhumaaleysi ku jiaray, iyadoo Mareykanka u madaxiisa kor dhigay 10 milyan oo doollar oo uu ballanqaaday inuu siinayo ciddii ka caawiso in la qabto ama la dilo.