Hadalka David Cameron oo muran dhaliyay

Ra'iisul wasaaraha Britain, David Cameron, ayaa hadal muran dhaliyay uu ka soo yeeray kaddib markii uu ku tilmaamay muhaajiriinta doonaya inay Britain soo galaan sida cayayaanka.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, Peter Sutherland, ayaa ku tilmaamay adeegsiga eraygaasi mid soo galooti naceyb ah, iyadoo golaha qaxootiga Britain ay ku sheegeen eraygaasi mid aan tayo bani'aadam laheyn ee uu adeegsaday hogaamiye dunida ah. Mid ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, Andy Burnham, ayaa ku tilmaamay erayga uu adeegsaday Mr Cameroon mid sharaf darro ah.

Ra'iisul wasaaraha oo booqasho ku jooga Vietnam ayaa ka hadlay mushkiladda dekadda Calais, halkaasi oo boqolaal muhaajiriin ah ay habeenkii saddexaad isku dayayaan inay ka soo galaan Britain. Mr. Cameron ayaa sheegay inuusan dalka soo dhaweyneyn muhaajiriinta ka imaanaya Calais, lana sameynayo wax kasta oo lagu ilaalinayo xuduudaha Britain.