Taliye loo xilsaaray dagaalka Boko Xaraam

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Nigeria ayaa muddo la dagaallamaya Boko Xaram

Dowladda Nigeria ayaa taliye u magacawday ciidamada isku dhafka ah ee dhowaantan loo sameeyay inay dagaal adag la galaan kooxda Boko Xaraam.

Major General Iliyasu Isah Abbah waxa uu hogaamin doonaa howlaha ku dhowaad 9000 oo askeri oo ka kala socda dalalka Nigeria, Chad, Cameroon, Niger iyo Benin.

Ciidamada waxaa xarun looga dhigayaa caasimadda dalka Chad ee N'Djamena, waxayna howhsooda si rasmi ah u bilaabidoonaan bisha soo socota.

Nigeria iyo dalalka deriska la ah waxa ay muddo ku dadaalayeen sidii ay uga hortagi lahaayeen kooxda Boko Xaraam oo dishay ku dhowaad 20 kun oo qof.

Laakiin xeryo badan oo kooxdu lahayd ayey ciidamada Nigeria dhowaanahan sheegeen inay burburiyeen, ayna ka soo furteen dad badan oo maxaabiis ahaan ay u haysteen.

Laakiin weli waxaa gacanta ugu jiro gabdho iskuul dhiganayay oo ay ka afduubteen deegaanka Chibok ee waqooyi Bari Nigeria.