Hogaamiyaha shabakadda Xaqani oo "dhintay"

Image caption Shabakadda Xaqani waxaa lagu eedeeyay inay weeraro badan ka fuliyeen gudaha Pakistan

Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa waxa ay sheegayaan in uu dhintay mid ka mid ah hogaamiyayaashii kooxdaasi ugu awoodda badnaa islaamiyiinta muddo ka hor, maalin kaddib markii Taalibaan ay ku dhawaaqday inuu dhintay Mullah Cumar.

Jalaluddin Xaqani waxa uu ahaa hogaamiyaha shabakadda Xaqani oo xiriir aad u dhow la lahayd ururka Taaalibaan iyo Alqacidda.

Mid ka mid ah warbaahinada dalka Pakistan oo soo xigtay “ilo badan oo lagu kalsoon yahay” oo Taalibaan ka mid ah ayaa waxa uu sheegay inuu xanuun aan la ogeyn u dhintay sanadkii hore.

Laakiin dad kale oo ehelkiisa aad ugu dhow ayaa wararkaasi sheegaya inuu dhintay beeniyay.

Ka hor intuusan bilaabin dagaalka ka dhanka ah danaha reer galbeedka, Jalaluddin Xaqani waxa uu taageero ka heli jiray CIA da Mareykanka xilligii uu socday dagaalkii ka dhanka ahaa midowgii Soviet ee haysan jiray Afghanistan.