Gabdhaha Chelsea oo qaaday koobka FA

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Wembley Stadium

Kooxda gabdhaha kubbadda cagta ee naadiga Chelsea ayaa ku guulaystay koobkii ugu horreeyay ee haweenka FA Cup ee ciyaarta final-ka lagu qabto garoonka weyn ee Wembley, iyagoo kooxda Notts County 1-0 uga badiyay. Daawashada ciyaartaas waxaa shalay ka qayb galay taageerayaal gaaraya 30,710.

Waa markii ugu horreysay ee gabdhaha Chelsea ay koobkan kor u qaadaan muddo 44-sano ah oo taariikhda la soo ciyaarayay.

Gabar u dhalatay Kuuriyada koofureed oo heer caalami ah oo la yiraa Ji So-Yun ayaa Chelsea u dhalisay goolka qura ee guushu ku raacday qaybtii hore ee ciyaarta.

Maantana waxaa iska hor imanaya kooxaha waaweyn ee ragga Arsenal iyo Chelsea, oo u tartamaya koobka Community Shield oo lagu furo tartanka horyaalka Ingiriiska ee Premier League oo bilaaban doona Sabtida soo socota.

Chelsea waa horyaalka, Arsenal waxay haysataa koobka FA.