Lowassa oo mucaaradka Tanzania u taagan

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Tanzania, Chama Cha Demokrasia na Maendeleo (chadema), ayaa u magacaabay Edward Lowassa inuu yahay musharaxa madaxweynenimo doorashada guud ee soo socota.

Ra'iisul wasaarihii hore, Lowassa, ayaa ka mid noqday xisbiga Chadema todobaad ka hor un, markii uu ka baxay xisbiga talada haya CCM, kaasi uu 30 sano ka mid ahaa.

Lowassa ayaa ka horjeeda John Magufuli-ga CCM oo looga yaqaan Tanzania si isaga la mid ah.

Doorashada guud ayaa lagu wadaa in la qabto Octobar 2015, halkaasi oo 24 miliyan oo Tanzanina ah la filayo inay codkoodu dhiibtaan.