Cuntooyinka keena cimri dheerida

Cilmi baaris ay Shiinuhu sameeyeen ayaa lagu ogaaday in cunista cuntooyinka xawaasheysan, gaar ahaan bisbeeska cusub uu keeno cimri dheeri.

Baarayaal joogo Beijing ayaa eegayay muddo 7 sano ah habka cunista nus miliyan Shiinees ah. Waxayna ogaadeen in kuwa cuna cunnoyinka xawaasheysan maalin kasta, in qatarahooda caafimaad uu ka hooseeyo 14 boqolkiiba kuwa cuno in ka yar hal jeer todobaadkii.

Baarayaasha ayaa sheegay in waxa ay heleen ay tahay oo kaliya la socosho, balse loo baahan yahay in meelo kale laga sameeyo baaris intaas dheer.