Dad dalbanaya inay cadaalad ka helaan Malaysia

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Ehellada dadkii la socday diyaaradda

Ehellada rakaabkii saarnaa diyaaraddii Malaysia ee MH370 ayaa maalintii seddaxaad waxa ay hortaagan yihiin xafiisyada diyaaraddaasi ee Shiinaha iyo safaaradda Malaysia ee Beijing.

Dadkan ayaa waxa ay dalbanayaan in run looga sheego sababta diyaaraddaasi loo waayay, cadaaladdana la horkeeyo kuwii ka dambeeyay.

Qaraabadan iyo booliska ayaa iskudhac waxa uu ku dhexmaray meel u dhow safaaradda Malaysia ee Shiinaha.

Dadkan ayaa maamullada Shiinaha iyo Malaysia ku eedeeyay inaysan waxba ka qabanin cabashadooda ayna xumaan tabanayaan.

Faransiiska ayaa diyaarado dheeraad ah geynaya jasiiradda badda Hindiya ku taalla ee Reunion, iyagoo rajo ka qaba inay helaan haraa badan oo ah diyaaradda maqan ah.

Maamullada jasiiradaha deriska la'ah sida, Mauritius iyo Madagascar ayaa laga codsaday inay xeebahooda ka baaraan haraa diyaaradeed.

Diyaaradda Malaysia ee ahayd nooca Boeing 777 ayaa la waayay xilli ay ku sii jeeday magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, waxayna ka duushay dalka Malaysia.

diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa oo lumay bishii March ee sanadkii 2014kii ayaan illaa iyo hadda la ogeyn halkey ku dambeeyeen.