Daacish oo dad ka afduubatay Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Daacish ayaa dhowaantan qabsatay Xums

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in Daacish ay dad badan afduubteen.

Dadkan la qafaashay badan kooda waxaa la sheegayaa inay yihiin Masiixiyiin.

Dadkan ayaa laga afduubtay magaalada Xums oo dhowaantan ay Daacish qabsatay.

Qof xuquuqda dadka u ololeeya oo Suuriya u dhashay ayaa sheegay in dadkii deganaa Qaryatayn la kexeystay Khamiistii, kaddib markii Daacish ay ciidamada dowladda Suuriya halkaas ka saareen.

Horraantii sanadkan, Daacish waxa ay boqollaal oo Masiixiyiinta Assyrian ah ka afduubteen waqooyi-bari Suuriya.

Halkii ay ku dambeeyeen dadkaasi badan kooda lama oga illaa iyo hadda.