Ciraaq: Qorshe lagu dhimayo madaxda sare

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadka reer Ciraaq ayaa maalmahan ka mudaaharaadayay adeeg la'aanta dowladda sida korontada iyo musuqmaasuq.

Ra'iisalwasaaraha Ciraaq, Haider al Abadi, ayaa ku dhawaaqay isbadalo uu ku samaynayo si uu u yareeyo qarashka dowladda iyo musuqmaasuqa. Wuxuu amray in la baabi'iyo jagooyinka madaxweyne ku xigeenka iyo ra'iisalwasaare ku xigeenka.

Wuxuu sheegay magacaabida madaxda waa inaysan ku salaysnaan madhabnimo ama xisbi qayb ku yeelasho.

Mid ka mid ah madaxweyne ku xigeenka Ciraaq waa Nuri al Maliki oo ah mucaaradka ugu wayn ee ra'iisalwasaare Haider al- Abadi.

Ku dhawaaqidan ayaa ka danbaysay toddobaadyo ay socdeen mudaahartaadyo looga soo horjeeday musuqmaasuqa iyo adeegyada dowladda oo yar sida korontada.

Qorshaha isbadalka aya au baahan in baarlamaanka uu ansixiyo.