Mexico oo lagu dilay nin caawin jiray ehelada dadka la waayo

Image caption miguel

Miguel Angel Jimenez Blanco, waxaa la dilay habeennimadii sabtida, waxaana laga toogay madaxa, isaga oo ku dhex jiray taksi uu lahaa.

Wuxuu ahaa hogaamiye bulsho oo abaabulay baadigoobka dadka lagu la' yahay, buuraleyda Guerrero.

43 arday oo laga waayey magaalada Iguala bishii September ee kal hore ayaa iftiimisay kiisaska boqollaal kale oo ah dad lagu la' yahay gobolka Opium-ka laga soo saaro, kaas oo ah mid ay ragaadiyeen iska hor imaadyo u dhaxeeya kooxo burcad ah.

Waraysi ay BBC la yeelatay December ayuu ku sheegay in buuraha ku hareereysan Iguala ay qubuuro ahaayeen.

Isagoo ka carooday in aysan maamulayaashu samayn wax gacansiin ah, ayuu Jimenez Blanco wuxuu baadigoob si joogto ah uga samaynayey buuraleyda Guerrero, isagoo meydad soo faagayey, raadadna eegayey.