Zinjibar oo ay dowladda la wareegtay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magaalada Zinjibar oo ay dowladda ilaalinayso.

Ciidamo taabacsan dowladda Yemen ee taageerada ka heleysa isbeheysiga uu Sacuudiga hogaaminayo ayaa waxa ay dib ula wareegeen magaalada Zinjibar ee koofurta, halkaas oo ay haysteen mucaaradka Xuutiyiinta, iyo xulafadooda.

Inay gacanta mucaaradka ka baxdo magaalo madaxda gobolka Abyan, waxay dharbaaxa kaloo weyn ku tahay Xuutiyiinta oo bishii la soo dhaafay laga saaray magaalada Cadan.

Maleeshiyaadka taageersan dowladda Yemen ayaa magaalada Cadan waxay u adeegsanayaan goob ay ka qaadaan duullaanka ka dhanka ah mucaaradka.

Laakiin iyagoo sii wada deegaanada ka leh ee ay qabsanayeen, Sabtidii waxaa ay la kulmeen dib u dhac kadib markii si qalad ah ay diyaaradaha isbeheysigu ay ciidamadooda u duqeeyeen, waxaana ka dhimatay in kabadan 20 qof.